(SAWIRO)Dugsiga Sare ee Degmada Xudur Oo Maanta Loo Fadhiistey Imtixaanka Kadambeyska Ah.

0
620

Maamulka Dugisga Hoose Dhexe Iyo Sare Ee Degmada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bakool Ayaa Sheegey  In Maanta Uu bilowdo Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Laga Qaado Ardeyda Sanadkan Kabaxayaan  Dugsiga Sare Ee Xudur.

Kudhawaad 30 Ardey Oo Isugu Jiraan  Wiilal Iyo Gabdho ayaa Dhameystey Waxbarashadood Dugsiga Sare.

Ardeyda Imtixaanka Ufadhiisatey Degmada Xudur ayaa Si aad uga Farxsanaa Inay heerkan Soo Gaaraan,Waxaana Ay Rajeeyeen In Imtixaanka Alle Kuguuleysiiyo.

Maamulka Iyo Macalimiinta Mudada Dheer Wax soo Barayey Ardeydaan  Kabaxaysa Dugsiga Sare Ee Xudur Ayaa Ku dardaarmey In Ardeydu Ay Kudadaalaan Imtixaanka Si ay Uhelaan Buundooyin Sare Ama Natiijo Fiican.

Maamulka Iskuulka Lagu Magacaabo Shodog Oo Ah School Ka Kaliya Ee Dugsi Sare leh Oo Kajira Xudur,Ayaa Dhamaan Ardeyda Kula Dardaarmey In Waxbarashada Aysan Kujoojinin Halka oo ay sii wadaan Si ay Ugaaraan Waxbarasho Sare,Sidoo Kale Maamulka Iskuulka Ayaa sheegey In Sanadkan Dadaal iyo Juhdi dheer ay Galiyeen Ardeyda Xili dugsiyeedkanina Uu ahaa,Mid Kaduwan Kuwii Hore.

Iskuulka Sare Ee Degmada Xudur Ee Shodog Ayaana Sanadkan Waxaa Kaqalin jabinaya Ardeytii Ugu badneyd Oo Iskuulkaasi soo Saara,Waxaana La Filayaa Inay sii balaariyaan Waxabarshada Maadiga ah ee Gobolka Kajirto.

Leave a Reply