(SAWIRO)Kowda May Oo Kubeegan Maalinta Shaqaalaha Aduunka Oo Maanta Laga Xusay Magalada Baydhabo.

0
466

Koowda May Waxaa ay ku Asteysantahay Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo laga xuso dhamaan Caalamka  Munaasabad Si Heersaro Ah loosoo Agaasime Ayaa Waxaa Ay Ka Dhacdey Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

Munasabadaan Ayaa waxa Soo qabanqaabisey wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha KGS waxaana kasoo qeyb galay Xilidhibaano’Wasiiro’Shaqaalaha Ra’idka Iyo Shaqaalo Dowladeed Masuulin Katirsan Dowlad Goboleedka Kg Oo Uu Ka Mid Yahay Kusimaha Madaxweynaha Kg Ahna Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Elay) Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Kg Rooble Sheekh Xasan Iyo Masuulin Kale.

Ugu Horeentii Waxaa Munasabadaan Ka Hadley Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Rooble Sheekh Xasan Waxaana Uu Sheegey In Maanta Ay Tahay Maalin Kuweyn Dhamaan Shaqaalaha Dowlada Iyo Shaqaalaha Ra’idka Iyadoo Maanta Kaliya Ay Tahay Dabaaldagooda.

Sidoo Kale Wasiirka Ayaa Waxaa Uu Hambaliyo Udirey Dhamaan Shaqaalaha Dowlada Iyo Shaqaalaha Ra’idka Asigoona Xuskaan Xuskiisa Alle Ugu Bariyey Nabad Iyo Horumar.

Shaqaalaha kala Duwan Odiiyasha Dhaqanka Iyo Bulshada kale Ayaa Sidoo Kale Munaasabada Ka Hadley Iyagoo Sheegey In Maanta Ay Kaduwan Tahay Maalmaha Kale Iyagoo Wasaarada Ugu Mahadceliyey Kawarqabka Iyo Dhiira Galinta Shaqaalaha.

Xasan Xuseen Maxamed Kusimaha Madaxweynaha Ahna Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Kg Ayaa Dhankiisa Hambaliyo Udirey Dhamaan Shaqaalaha Dowlada Iyo Kuwa Ra’idka Waxaana Uu Sheegey In Farxadaan Kowda May Ay Laqeybsanayaan Farxadooda.

‘Waxaan Halkaan Maanta Hambaliyo Ugu Dirayaa Dhamaan Umada Soomaaliyeed Gaar Ahaned Shacabka Koonfur Galbeed Insha Allah Sanadkaan Sanakiisa Inaan Ku Gaarno Nabad Iyo Munaasabad Midaan Kaduwan Inaan Ku Gaarno Shaqaalahana Waxaan Leeyahay Dadaalkiina Dadaal Kudara Oo umadiina U Shaqeeya Ayuu Yiri’ Kusimaha Madaxweynaha Ahna Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Kg Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Elay).

Leave a Reply