Sawirro: Hub ay adeegsan jireen al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Muqdisho

0
288

Ciidamada dowlada Federalka ah ee Somalia ayaa gacanta kusoo dhigay Hub la sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay u adeegsanayeen falalka amni darro.

Howlgalka lagu soo qabqabtay Hubka ayaa waxa uu Xalay ka dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Wadajir waxa ay ku soo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo isugu jira Xashiish, Qamri.

Hubka ay ciidamada soo qabteen ayaa ka koobnaa laba qori iyo Laba Bastoolad, kuwaasi oo si sharci daro ah loogu heystay gudaha degmada, mararka qaarna lagu dhibaateyn jiray shacabka.

Goobta lagu soo bandhigay Hubka iyo maan dooriyaha ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee dhanka siyaasadda iyo amniga Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) iyo saraakiil Ciidan.

Waxa ay sheegen in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana lagu doonayay in lagu soo qabto waxyaabaha ka baxsan amniga.

Leave a Reply