Siyaasi ka tirsan Mucaaradka Kenya oo mar kale laga eryay dalka & Xiisad ka taagan eryidiisa

0
202

Dowlada Kenya ayaa mar kale Musaafurisay Miguna Miguna oo ka tirsan mucaaradka Kenya, kadib markii lagu eedeeyay inuu ka talaabat xadka Siyaasada.

Miguna Miguna, oo lagu murunsan yahay dhalashadiisa ayaa markale dalka laga masaafuriyay, waxa ayna dowladu ku eedeyneysaa inuu ka weecday xeerka Siyaasada Mucaaradka.

Masaafurintaas ayaana timid iyadoo la iska dhago tiray amarro ay maxkamado soo saareen, waxa uuna Siyaasigaani ku adeegayaa inuusan ka dhamaan doonin dalkiisa Kenya.

Galinkii hore Arbacadii maxkamad ayaa mas’uuliyiin sare oo Kenyan ah u qabsatay in ay diideen amar maxkamadeed oo ahaa in la sii daayo Miguna.

Qareenka Miguna ayaa xaqiijiyay in uu dalka ka baxay isaga oo raacay diyaaradda Emirates oo Nairobi ka duulaysay, halkaas oo uu ku xirnaa tan iyo Isniintii.

Ninkan mucaaradka ah ee aan hadalka la gaban ayaa la xiray ka dib markii uu damcay in uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo Canada ka yimid, halkaas oo loo masaafuriyay bishii hore.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Uhurro Kenyatta ayaa doorashada kadib lasoo baxday awoodo ay ku cadaadineyso mucaaradka dalka, waxaana marka la eego eryinta ugu sahlanaaday Miguna Miguna oo heysta dhalasho Canada ah.

Leave a Reply