Somaliland oo shegtay in ay kordheen tiradda dadkii ku dhintay Duufaanta.

0
278
A picture taken on May 19, 2018 shows a general view of houses affected by by Tropical Cyclone Sagar in the Yemeni port city of Hodeidah. Tropical Cyclone Sagar made landfall in Yemen late in the morning on May 19. / AFP PHOTO / ABDO HYDER

Tirada dadka ku dhimatay roob dabeylo xoogan watay oo maalmahaan ka da’ayay deegaanada Somaliland ayaa korortay sida laga soo wariyay gobolada waqooyi.

Soomaaliland ayaa horay u shaacisay in roobkii dabeylaha watay ee halkaasi Ka da’ay ay ku dhinteen 25 ruux, Xoolo badan ayna ku burbureen hantibadan.

Hayeeshee wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in dhamashadu ay gaartay 31 qof, sidoo kalana ay korortay dhimashada xoolaha iyo burburka hantida.

31kaas ruux ayaa 18 ka mid ah waxaa ay ku geeriyoodeen deegaanka Gargara ee Soomaaliland.

Sidoo kale saraakisha Caafimadka Soomaaliland oo shaaciyay in uu socda gurmad la gaarsiinayo dadka ku nool deeganada ay ugu daran ee dadku duufaanada iyo daadadka ay ku dilayaan ee Soomaaliland.

Wxaa sidoo kala jira dad kabadan 30 ruux oo daadadku ay la tageen oo la la`ayahay raq iyo ruuxdoodu.

Leave a Reply