Soomaali Ku Xayiran Garoonka Jomo Kenyatta Ee Nairobi

0
70

Waxaa gebi ahaanba la joojiyey Shaqadii ka socotay Garoonka  Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magalada Nairobi,islamarkaana xalay wixii ka dambeeyey 3:00 Habeennimo aan wax diyaarad ah ka soo degin.

Sida lagu daabacay Daily Nation ayaa waxaa arrintaasi loo sababeynayaa kadib markii ay Shaqa joojin ku dhawaaqeen Shaqaalaha garoonka, iyaga oo ka cabanaya in la musuq maasuqay habka Shaqaaleysiinta iyo Maamul xumo ay sheegeen inay ka jirto Garoonka.

Sidoo kale Shaqaalaha ayaa waxa ay kasoo horjeedaan qorsho ay Maamulka Garoonka ku doonayaan inay kula wareegaan Shirkadda Kenya Airweys,waxaana dhammaan la hakiyey  duulimaadyadii ka bixi jiray Garoonka iyo kuwii kusoo degi jiray.

Dad farabadan oo ay Soomaali ku jiraan ayaa Maanta ku xayiran Garoonka  Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magalada Nairobi,kuwaas oo meelo kala duwan safar u aadi lahaa.

Sawirro laga soo qaaday Gudaha Garoonka ayaa lagu arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya oo ilaalinaya dhaq dhaqaaqa Garoonka,sidoo kale dad isugu jira Haween Carruur yar iyo weyn oo Gudaha Garoonka fadhiya,kuwaas oo sugaya in duulimaadyada la fasaxo.

Maamulka Garoonka  Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magalada Nairobi iyo laamaha Amniga Kenya dhankooda weli wax war ah kama soo saarin arrintaan kusoo korortay Garoonka.

Leave a Reply