Soomaaliya iyo Kenya oo Wadahadal ka Yeelanayo Dhismaha Darbiga

0
185

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in si KMG ah loo hakiyey dhismaha darbiga ee dowladda Kenya ka waddo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha gobolkaas, Maxamed Muxumad Aadan oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in uu jiro wadahadal u bilaabanaya labada dhinac (Soomaaliya iyo Kenya), islamarkaana la isku fahmay inta xal laga keenayo in la joojiyo dhismahan darbigan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye Aadan in maalinta berri (27 March 2018) ay labada dal ay yeelan doonaan kulan horudhac ah, kaasi oo ku aaddan arrinta darbiga.

“Dadaalkii la sameeyay miro dhalkiisa wuxuu noqday  in labada dowladood isugu yimaadaan kulan dhici doona 27-ka bisha Saddexaad, inta ka horreysana la joojiyo dhismihii socday, kulankaan dhacaya hordhiciisa waxay dowladda u xilsaartay wafdi aan aniga hoggaaminayo, waxaan jecelnahay in wixii jira si dhab ah in looga wadahadlo, xal waarana laga gaaro” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in ay raadin doonaan wax dan u ah labada shacab ee ku kala nool magaalooyinka B/xaawo iyo Mandheera.

Dowladda Kenya ayaa dar-dargelisay dhismaha darbiga ay ka waddo xadka labada dal ee dhanka B/xaawo, taasi oo ay si kulul uga carroodeen shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Leave a Reply