(SWIRO)Guddoonka Baarlamaanka oo kulan la qaatay Madaxa Ciidamada AMISOM

0
241

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Ciidamada AMISOM ahna Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa U Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta Ammaanka xarunta Golaha Shacabka.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa ku sugan xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay ka qeyb ka yihiin ciidamada sugga Ammaanka  xarunta Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Leave a Reply