Syria: Ciidamada Turkida oo hareereyey Afrin iyo dagaalkii Daacish oo joogsaday.

0
128

Militariga Turkida oo ay wehliyaan maleeshiyaadka loo yaqaan ciidamada xorta ah ee Siiriya ayaa gebi ahaan go’adoon geliyey magaalada Afrin ee waqooyiga Siiriya oo ah magaalada ugu weyn oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdida Siiriya ee taageerada ka helaya Maraykanka.

Hawlgalka Turkida oo bilowday dhamaadkii Bishii Janaayo ayaa galay wajigii ugu adkaa iyadoo laga cabsi qabo in dagaal xoogan uu ka dhaco magaaladaasi Afrin oo ay ku nool yihiin dad badan oo kasoo baro kacay dagaalada ka socda inta badan gobalada dalkaasi Siiriya.

Xoogaga Kurdida oo iyagu horey gacan uga helayey Maraykanka, kuwaasi oo dagaal kula jiray kooxda Daacish (ISIS) ayaa gebi ahaan joojiyey dagaalkooda iyagoo dhamaan ciidamadooda u diray magaalada Afrin si ay halkaasi u difaacdaan. Xaaladan ayaa lagu tilmaamay mid fursad usiin karta in Daacish ay dib isu abaabusho.

Maraykanka oo xulafo la ah Turkida iyo Kurdida ayey ku adag tahay inay go’aan qaataan, maadaama dowlada Turkdia ay sheegtay in Kurdida ay khatar ku yihiin amnigooda, isla markaana aysan ogolaan doonin in xoogaga kurdida ismaamul u gaar ah uga dhawaaqaan waqooyiga Siiriya.

Leave a Reply