Tababar Loosoo Gabagabeeyey Wariyaasha Kahawlgala Warbaahinada Dowlada.

0
278

Mudo shan Maalmood ah ayuu magaalada  baydhabo Kasocdey Tababarka wariyaasha Kahawlgala warbaahinta dowlada.

Tababarka oo ay bixinayeen professor iyo macaliin khibrad sare leh, ayaa waxaa lagu baranayey Hab maamulka iyo maareynta Qeybaha kaladuwan ee warbaahinta.

Seminaarka oo ay soo qaban qaabisey wasaarada warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Waxaa Ka faiideystey Wariyaasha Kahawgala warbaahinada dowlada Federaalka soomaaliya,Warbaahinta dowlada Jubaland Iyo warbaahinta dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tababarka ayaa Mudadii uu socdey wariyaashu waxay is dhaafsadeen Aqoontooda iyo sidoo kale arimo badan oo xiriira Aqoontii ay kubaranayeen tababarka.

Ismaaciil Mustafa Mohamed (Jana galle) Oo ah agaasimaha Wasaarada warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Soo xirey tababarkan,

wuxuu kahadley faaiidada ay leedahahay kor uqaadista aqoonta wariyaasha Iyo talaabooyinka xiga ee wasaaradu ay uqorsheyneyso tababarada wariyaasha, wuxuubalan qaadey in wasaaradu ay sii wadi doonto barnaamijyada horumarinta warbaahinta.

Wasaarada warfaafinta dowlada Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa sidoo kale wado dhameystirka iyo qalabeynta xafiisyada Wasaarada warfaafinta koonfur galbeed iyo Xaruunta idaacada Koonfur Galbeed oo dhawaan ladoonayo in xariga laga jaro.

 

Leave a Reply