Taliska Booliiska Baydhabo Oo Maanta Hakiyay Bajaaj-yada.

0
575

Laamaha Amniga Magaalada Baydhabo ee xarunta koonfur galbeed soomaaliya, ayaa amar lagu siiyay inay Hal maalin joojiyaan mootooyinka Bajaajta ee Magaalada gudaheeda ka shaqeysa.

Amarkaan ayaa wuxuu ka soo baxay taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaana sababta lagu sheegay inay tahay arimo la xiriira dhanka ammaanka.

Taliyaha Booliska Magaalada Baydhabo G/Mukhtaar axmed ibraahim (Dugudow) ayaa sheegay in milkiilayaasha iyo daraawalada bajaajta ay u hogaan samaan Amarka ka soo baxay laamaha amniga magaalada baydhabo.

G/ Mukhtaar Dugudow ayaa Waxaa Uu sheegay inay muhiim tahay suggida ammaanka Magaalada Baydhabo.

 

 

 

Leave a Reply