Taliyaha NISA Ee Balcad Oo Looga Saarey Degmadaasi

0
71

Ciidamo ka amar-qaata Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Qaasim Cali Nuur ayaa markii 3aad weerar ku qaaday Ciidamo iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan maamulka degmadaasi.

Odayaasha dhaqanka iyo dadka degaanka ayaa  sheegay in maanta uu dagaal ka dhacay degmadaasi, dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo Milateri ah oo ka amar qaata Guddoomiyaha ay weerarayn Taliyaha NISA ee Balcad Mukhtaar Camey, Taliyaha iyo Ciidankiisa ayaa degmada ka soo baxay sida ay dadka degaanka noo sheegayn.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay inkabadan tiradaasina waa ay ku dhaawacmay, wali waxaa taagan xiisad u dhaxaysa dhinacyadii dagaalamay, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabeelle, sidoo kale Guddoomiyaha degmada Balcad oo aan la xariirnay kama jawaabin wicitaankayna.

Mukhtaar Camey ayaa xaqiijiyay in Ciidankiisa ay ka baxeyn degmada kadib markii weerar lagu soo qaaday.Ciidamo ka amar qaata Qaasim Cali Nuur ayaa hore u weeraray Xoghayaha degmadaasi, waxaana dagaalkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply