Taliyeyaasha Booliska Iyo Miltariga Oo Kormeeray Afgooye

0
94

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa kormeer ku tagay degmada Afgooye.

Kormeerka Taliyeyaashan iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa la xiriira u kuur gelida xaalada amniga degmadaas oo maalmihii la soo dhaafay ay howlgalo ka socdeen.

Sidoo kale Taliyeyaashan ayaa kormeeray xaalada amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka socdaan howlgallo lagu sugayo ammaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya saraakiishan ay horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan la filayo inay tagaan degmada Afgooye.

Degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30KM ayaa ka mid aheyd degmooyinkii u horeeyay ee Al-Shabaab laga qabsaday sanadkii 2012, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa labadii sano ee u dambeeyay weeraro toos ah ku soo qaadayay degmadaas, iyagoo gudaha u soo galayay.

Leave a Reply