Turkiga Oo Dugsi Waxbarasho Ka Furaya Degmada Xudur.

0
219

Xilli dhawaan wafdi ka socday Dalka Turkiga gaar ahaan Wasaarada waxbarashada ay booqasho ku imaadeen Magaalada Xuddur, iyagoona ukuur galaayay waxbarashada Gobolka kulamona ay la qaateen Maamulka Gobolka Bakool, kulamadaasina la isku afgartay in dowlada Turkiga ay fuliso mashaariic lagu hormarinayo xarumaha Waxbarashada taas oo Wasaarada Waxbarashada ee Turkiga balan qaadey in ay gacanta ku hayndoonto.

Kormeerka ka dib Guddoomiyaha Howlaha guud iyo dib u dhiska ee Degmada Xuddur Cabdirisaag Isaak Saajin iyo Guddoomiyaha Arimaha Bulshada Aadan Cabdi Abaarey ayaa sheegey in ay tahay wax lagu farxo in goobtaan ay noqoto meel bulshada loogu adeega.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin ayaa sheegey in dhulkaan maanta ay bixiyeen qeyb ka yahay wadahadalkii ay la yeesheen wafdigii ka socday Dowlada Turkiga oo ahaa in maamulkana uu dhul bixiyo turkigana ay ku taagyeero dhismaha.

Leave a Reply