Turkiga Oo Howlo Gargaar Ka Fuliyay Duleedka Muqdisho

0
235

Hay’adda dhinaca gargaarka u qaabilsan dalka Turkiga ee Bisha Cas ayaa agab dhar ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool xeryaha barakacayaasha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Bisha Cas ayaa dharkan oo Cadadkiisu badanaa u qeybisay 5 kun oo qoys, kuwaas oo ka mid ah barakacayaasha ku nool halkaasi.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mehmed Yilmaz iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabaddani agabka dharka loogu qeybinayay barakacayaashaasi.

Ambassador Yilmaz oo munaasabadda ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Turkiga ay howlaha kaalmeynta la garab taagneyd shacabka Soomaaliyeed, tan iyo sandkii 2011-kii xilligaasi oo ay dalku Abaaro xoogan ku dhufteen.

Leave a Reply