Turkiga: “Somaliya nooma aha meel aan kula tartanno waddamada kale”

0
241

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in saldhigga ay ku leedahay Soomaaliya iyo howlaha kale ee ay ka waddo Soomaaliya aysan ahayn mid ay ka leedahay ujeeddo dhinaca tartanka Quwadaha ku dagaallamaya maamulka Caalamka.

Agaasimaga guud ee laanta xiriirka Afrika  ee Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga Ahmet Riza Demirer, oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency ayaa  kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo siyaasadda Trukiga ee Afrika.

Ahmet Riza Demirer, waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn meel uu caalamka ku tartamo Turkigana uusan tartan u joogin.

Waxaa uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal 30kii sano ee la soo dhaafay ay dhibaato ka jirtay Turkigana uu u tagay in uu kaalmeeyo Dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwo tayo badan oo aan isdhiibin.

Waxaa uu intaas ku daray in Dadka Soomaalida iyo Caalamkaba ay ka warqabaan sababta uu Turkiga u joogo Soomaaliya iyo shaqada uu ka hayo.

Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayuu sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay kaliya in lagu tababaro Ciidamada Soomaalida ah si ay amniga dalkooda wax uga qabtaan islamarkaana ay dowladda Soomaaliya noqoto mid amaankeeda iyada maamulata.

Ahmet Riza Demirer ,waxaa uu sheegay in Waddamada Imaaraadka,Mareykanka , Ingiriiska iyo kuwo kaleba ay tababaraan Ciidamada Soomaaliya,laakiin tababarka Turkiga uu ka duwanyahay tababarrada ay bixiyaan dalalka kale.

Waxaa uu ku tilmaamay in ujeedada tababarka Turkiga tahay in xal kama dambeys ah loo helo amni xumada Soomaaliya ka jirta,waxaana uu intaas raaciyay in ujeedada saldhigga uusan ahayn mid qorshe gaaban ku dhisan.

Leave a Reply