Ururka Suxufiyiinta Gabdhaha Soomaaliyeed Oo Maanta Baydhabo Tababar Uga Furay Ku Dhowaad Labaatan Gabdhood Oo Suxufiyiin Ah.

0
1557

Tababar uu socon doono muddo laba maalmood ah ayaa waxaa loo qabtay gabdhaha saxafayiinta ah ee ka howl-gala warbaahinta gudaha ee magaalada baydhabo, iyadoona furitaanka tababarkan ay kasoo qeyb galeen kusimaha madaxweynha, wasiirka warfaafinta, maamulada idaacadaha ka howlgala baydhabo  iyo qaar kamid ah safiyiinta madax banaan.

Ugu horeyn waxaa furitaanka tababarkan ka hadlay Farxiyo Kherte oo ah madaxa ururka gabadhaha saxafiyiinta soomaaliyeed, iyadoona sheegtay in tababarka lagu baran doono xad gudubyada ka dhanka ah gabadhaha saxafiyiinta soomaaliyeed, sida darteedna ay rajaynayaan in wax badan laga baran doono.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta koonfur galbeed soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi oo ka hadlay furitaanka tababarkan ayaa waxaa sheegay in kan wasaarad ahaan uu soo dhoweynaayo tababarkan oo ay ka faa,idaysan doonaan gabdhaha saxafiyiinta ee baydhabo.

Ugu dambeyn ayaa waxaa si rasmi ah tababarka u furay kusimaha madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya ahna wasiirka amniga Xasan Xuseen Maxamed Eelay, waxuuna kula dardaamay inay Ka faaidaystaan casharada iyo xog iswaydaarsiga si, bulshada ay ugu adeegaan.

                                              Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada:-

Leave a Reply