Waddanka ay 50 sano ku qaadatay in uu magaciisa Badalo

0
273

Taxanaheenna warqadaha saxafiyiinta Afrika, gabadhha qoraaga ah ee reer Ghana Elizabeth Ohene ayaa sharaxaad ka bixinaysa sababta ay u taageersan tahay in boqorka dalkaasi Swaziland uu badalayo magaca dalkiisa.

Iyada oo ay sanad guuradii 50 ee markii uu dhashay boqor Mswati III ay ku began tahay 19 April 2018, ayaa waxaa jira calaamado muujinaya in dalkaasi ay ka dhacaayan waxyaabo taariikhi ah.

King Mswati ayay dad badan ay isla dhexmarayeen in uu kordhin doono guurka islamarkna uu hal mar guursan doono 3 xaas oo cusub isaga oo horey u qabay 13 xaas.

Boqorka ayaa doonaya in dabaaldaga 50 sano guuradii ka soo wareegtay xorriyaddii dalkaasi lagu soo beego dhalashadiisa, inkastoo uu dalkaasi xorriyada qaatay 6 September 1968.

Waxaa iska cad in boqor Mswati uu doonayo in uu meesha ka saaro cid waliba oo shaki ka qabtay in isaga qudhiisa uu yahay dalka la sheegayo.

Ugu dambeyntii isaga iyo dalka ayaa hal meel isugu yimid taasi oo ah 1968,waa ayna wada dabaaldagayaan.

Imika xaaladda ma aha in boqorka uu helayo xaas cusub, balse waxa uu ku dhawaaqayaa in uu badalayo magaca dalkaasi.

Wadankii loogu yeeri jiray boqortooyada Swaziland ayaa imika waxaa lagu magacaabi doonaa eSwatini.

  • Waa boqortooyadii ugu dambaysay gabi ahaanba qaarada Afrika.
  • Dalkaasi ma laha wax bad ah, waxa uuna ka yaryahay gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka.
  • Boqor Mswati III ayaa hadda waxa uu leeyahay 13 xaas , boqorkii isaga ka horreeyay waxa uu qabay 125 xaas.
  • Xaasaskiisa cusub ayaa waxa uu ka soo dhex xulan karaa qoob ka ciyaar sanadle ah oo ah xaflad dhaqameed la isugu keeno gabdhaha Bikrada ah.
  • Waxa ugu badan ee ay dhuufiyaan dhaqaalaha na uu ka soo galo waa Sokorta.
  • Waa wadan heerka cudurka HIV/Aids uu aad u sareeyo.

Leave a Reply