Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran

0
197
A Somali policeman stands guard along a road which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda.

Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Geed jaceyl iyo Aadan Cadde ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhammaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horay wadooyinka jidcadyaasha ah waxaa loogu xiray Dhagxaan waa weyn oo gaadiidka iyo Mootooyinka aanan u suuragelinayn inay ka soo gudbaan, haddana waxaa sii dheer in Isgoysyada ciidanka joogaan ay u diidayaan Mootooyinka iyo gaadiidka inay soo maraan.

Lama oga cida amarkaan bixisay, balse ciidamada ayaa dadka gaadiidka wata u sheegaya in amarka wadooyinka ay ku xireen in uu yimid kadib markii ay amar soo siiyeen saraakiishooda, balse aanay ogeyn sababta rasmiga ah ee xirnaanshaha wadooyinka.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan sababta wadooyinka loo xiray in ay tahay in aad loo adkeeyo ammaanka, maadaama xiisada siyaasadeed ay sii xoogeysatay berrina lagu balansan yahay Baarlamaanka, oo Ajendihiisa la isku khilaafsan yahay, lagana baqayo in ay dhacaan falal ka baxsan amniga.

Tani ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid wax iska waydiisa raali gelinta Bulshada ee ku aadan wadooyinka ay maraan.

Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada ay dhacaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka, waxaa cadaadis xooggan la kulma Bulshada, iyadoo ciidanka qaab caro leh ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Iyadoo Koontaroolada ciidanka sidaasi loogu rafaadinayo Bulshada, ayaa haddana waxaa dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka iyo qaraxyo Baabuur loo adeegsado oo Magaalada ka dhaca.

Leave a Reply