Wafdi Ka Socday Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka Oo Casho Sharaf Xalay Loogu Sameeyay Baydhabo.

0
323

Munaasabad casha sharaf ah oo lagu sagootinaayay wafdi ka socoda wasaaradda Dastuurka DFS iyo Gudiga Dastuurka ee madaxbanan ee soomaaliya ayaa Haley  magalada Baydhabo Ka dhacdey

casha sharaf sagootinta ah Ayaa Waxaa sameeyay Kusimaha madaxweynaha Dowaldda koonfur galbeed soomaaliya ahana wasiirka Aminga dowladda koonfuur galbeed mudane Xasan xuseen Maxamed Xasan (Eeley ) iyadoonka halkaasi lagu soo bandhigey Heesso ka turjumeya muhiimada Dastuurka Oo Ay Qaadayeen Kooxda Fanaaniinta Koonfur Galbeed.

Iyadoona madaxadii ka soo qeybgashey halkaasi ay Ka soon jeediyeen hadalo dar daaran ah Oo ay Kacabirayeen Muhiimada Dastuurka uu Uleeyahay Wada Noolaashaha Bulshada.

Wasiirka Dastuurka Maamulka KGS Abdulaahi Hasan Oo Kahadley Munaasabada Sagootinta ayaa Sheegey In Wafdiga Baydhabo Soo Gaarey uu Ku Amaanayo Sida ay Uga Qeyb qaateen Kulamadii Ay Layeesheen Bulshada Rayidka ah ee Koonfur Galbeed Oo looga Hadlayey dib u eegista Dastuurka Qabyo Qoraalka Ah iyo Kaqeybgalinta Rayiga Bulshada Baydhabo Kunool.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ahna Wasiirka Amniga Hasan Eelay Ayaa sheegey inay Ku Faraxsan Yihiin in baydhabo ay Kasagootiyaan Madax Heer Fedraal Oo u imid Inay Bulshada Kulamo Ay Laqataaan.

Leave a Reply