Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Qarax Lala Eegtay Ciidamada Dowladda

0
221

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax xoogan oo Gobolka Hiiraan lagula eegtay Ciidamo katirsan Milatariga Somaliya.

Qaraxa oo ka dhacay Wadada dheer ee Xiriirisa Magaalooyinka Blaadweyn iyo Maxaas, ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 Askari oo ka tirsanaa Ciiidanka Xooga dalka, Askarta waxey kuguda jireen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Advertisement

Saraakiil katirsan Ciidamada ayaa soo sheegaya in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fogfog laga hago uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamada dhaawacyada qaba.

Goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaa gaaray Ciidamo kale,w axeyna meesha ka soo qaadeen dhaawacayada oo la keenay Magaalada Blaadweyne si loogu dabiibo, Lama soo sheegin wax dhimasho ah oo ka dhalatay Qaraxa Miino ee ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Galxamur oo qiyaastii 30 Km ujirta Baladweyn.

Shabaab oo Sheegtay masuuliyada qaraxaa ayaa ku faanay iney Khasaare xoogan ku gaarsiiyeen Ciidamo dowladda katirsan iyo Saraakiil Ciidan.

Ciidamada xooga dalka ayaa 48-dii Saac ee ina dhaaftay, waxey howlgalo xoogan ka sameeyeen deegaano katirsan Hiiraan oo ay markoodii hore Shabaab ka ariminayeen, Howlgalka ayaa ujeedkisia ah sidii la isugu furi lahaa degmooyinka Baladweyne xuduuda la leh ee Jalalaqsi, Maxaas iyo Buula barde.

Leave a Reply