Warbixin:- Aas Aaska Halgankii Ururka R.R.A.

0
1186

Maalin Wanaagsan Akhristayaasheena Meel Walbo aad Joogtaan Kusoo dhawaada Warbixin Kusaabsan Aas Aaskii Ururkii RRA Oo Maanta ay Kubeegan Tahay Sanadguurada 19aad.

Qowmiyad kasta waxay Buugeeda xasuus Qorka Gashataa Maalmo u gaar ah oo khuseeya dadkeeda iyo deegaan keeda si mustaqbalka dambe ay uga faaiideystaan Jiilkooda soo koraya aan arag taarikhdiisa.

Iyadoo ay ku beegantahay huska sanad guurada 19naad ee Xuriyaddii Qowmiyada Digil iyo Mirifle ayaa waxaa wax idinka xasuusineynaa Taariikhdii Ururkii RRA-da iyo sooyaalkii soo marey hadafka iyo ujeedka loo aasaasey Ururka, wax kabaro Taariikhdiisa RRA.

Magaca RRA oo Micnaheedo yahay afka qalaad (Rahanwien Resistance Army) Ururka wal iska caabinta Raxawayn, ayaa ah Urur ka soo baxay Koonfur Galbeed Soomaliya. RRA waxaa lagu Aasaasay shir lagu qabtay 13-kii Octobar 1995, Jhaffay oo ah meel kaga beegan Magaalada Baydhabo dhinaca Galbed.

Cornel. Xasan Maxamed Nur “Shaatigaduudna” loo doortey Godoomiye.

Sababta loo aasasay waxay ahayd in uu tababaro Military u fidiyo dhalinta Goboladaas islamarkaasna ku abuuro dareen wadaniyadnimo si ay isaga difacan xad gudubyada Bani’aadinimo ee kaga imaan jiray Qabaa’illada kale ee Somaalida.

Dagaalo tiro badan oo lagu baab’ay ka dib. Ururkaan waxuu ku guulaystay in uu gacanta ku dhigo Magaalada Xudur Octobar 1998-dii isagoo aan cudud military iyo mid dhaqaale aanu ka helin gacan saddaxaad. Horaantii November Maleeshiyaadkii Caydiid oo ka soo firxaday Xudur ayaa ku soo aruuray Magaalada Baydhabo.

Guushaan Xudur ayaa Ururkaan waxay usoo jiiday in uu sumacad ballaran ka kasbado Bulshada Gudaha iyo tan Dibadda.

6-dii June, 6-deedi maanta oo kale 1999-kii, ayaa RRA ku guulaystay in ay ka saarto Magaalada Baydhabo Maleeshiyaadkii haystay iyagoo gaaray ilaa Shabeellada Hoose.

Si kasataba ha ahaatee Shirkii lagu qabatay carta ee Wadanka Jabuuti inta u dhaxaysay May-August 2000 laguna soo dhisay Dowladii Madaxwaynaha ka noqday Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa wiiqay inta badan Hammigii iyo waliba cududii Military ee RRA.

Ka dib markii la soo dhisay Dowladaas oo heshisyo dhowr ahna la gashay Madaxada RRA oo ku saabsanaa sidii loo fulin lahaa qodobadii lagu soo heshiyay ayaa dhaqangali waayay.

Taasina waxay dhalisay in ay ka gao’aan Dowladas una gogol xaaraan Maamul Goboleed lagu bedelo ururkii RRA.

Maamul Goboleedkas ayaa loogu magaca daray “Southwestern Somalia”. Maamul Goboleedka Koofur Galbeedka soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee dadaalkaas iyo himiladii ahayd in la helo Maamul Goboleed ka arimiya Gobolladaas ayaa u horseetay in uu cad cad u kala jabo ururkii RRA; aboodii military iyo sumacadiisina la laalo maalin qura ah!

Burburkii ku yimid ururka RRA aya saamayn wayn ku yeeshay dhamaan bulshadi Raxanwayn iyadoo ilaa iyo maanta lala’yahay in la helo maamul baaxad leh oo daboola baahida bulshada ku dhaqan magoolyinka Koofur Galbeed.

Ururka RRA waxyaabaha lugu xasuusto waxaa ka mid ahaa sida uu amniga iyo arimaha bulshada wax uga qabtay taaso Soomaalida oo dhan ku reebtay dareen baaxad leh.

Ajaanibti kala duwanayd ee Adunka Dacalladisa ka kala yimid howlo shaqana u joogay gobolladaas ayaa si damaashaad leh ugu noolaan jiray Magaalooyinka waawayn ee sida Baydhabo; iyagoo xitaa si gaar ah u kaxaysan jiray baaburta ay ku adeegtaan.

Hormarkan ayaa ah mid aan wali gaarin Maamulada kale ee Dalka ka jiray xeligaas sida Puntland iyo Somaliland sidaas darteed waxaa la dhihi karaa in Maamulkii RRA uu ahaa mid meelo badan kaga hormarsanaa maamulada kale ee dalka.

Marka aan la barbar dhigno maamulada dalka soo maray ama ururada waxaan tusaale u soo qaadan karnaa ururkii islaamiga ahaa ama Maamulkii Maxaakiimta ee daba-yaaqadii 2006-da ka soo ifbaxay magaalada Mogadisho.

Marka laga eego dhinaca amniga waxaa la dhihi karaa in labada mamul ay isku yara dhowyihiin balse waxay aad uga kala fogaayeen dhinacyada kale ee Siyaasadda iyo Bulshada. Maamulki Maxaakiimta ma lahayn siyaasad hufan oo u degsanayd in ay ku maamulaan meelihii ay jogeen, wuxuuna ahaa nidaam ku salaysnaa arigtiyo kala duwan oo aan wada socon Karin isuna dulqaadan Karin halka kii RRA-da uu ahaa mamul Strategiyad Siyaasadeed hambaarsan.

Yididiilada Mustaqbalka

Ururka RRA dadkii Aasasay waa ay jogaan manta. Inta badan qaarkoodna waa ay geeriyoodeen ilaahey naxaristii jani hasiiye sidii shalay in ay ka khibrad badan yihiin (dhinaca siyaasada) waa arin hubaal ah. Sidoo kale waxaa soo baxay jiilal cusub oo hambaarsan fekrado cusuba lana jaanqaadi kara isbedellada siyaasadeed ee Dunida iyo tan Gudaha; iyadoo ay jiraan fursadahan ayaa waxaa la gudboon bulshada Koofur Galbeed in ay u istagaan sidii ay u keeni lahaayeen maamul ka tayo wanaagsan kii hore ee RRA.

Waxaa soo kordhay maanta aqoonyahanno ku heel dheer dhamaan qaybaha kala duwan ee cilmiga sida; Siyaasada, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Warbaahinta. Fursadahan waxaa ay ka mid yihiin sabibihii la’aantood u burburay Ururka RRA. Iyadoo laga faa’idaysanaayo taariikhda lana kaashanaayo cilmiga casriga ah ayaa bulshada koofur Galbeed uga gudbi karaan kala tafaraaruqa iyo hormar la’aanta haysata degaannada Qowmiyadda Digil iyo Mirifle maanta waa maalantiini dhalanyaroy.

Xigasho Weejidow

Leave a Reply