Warbixin+Sawiro:- Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom Oo Dhiiragalin Usameysey Ardeyda Sanadkan Kaqalain jabinaya dugsiga sare ee Model School.

0
1080

Sanad Waliba Kumanaan Ardey Ah ayaa Kaqalin jabiya dugsiyada sare ee kuyaala magaalada baydhabo,kuwaasi oo dadaal dheer iyo dhabar adeeg soo galiyey waxbarashadooda hoose Ilaa sare.

Hadaba Kasokow dadaalka Ardeyda Iyo Kan waalidka, waxay ardeydu ubaahan yihiin dhiiragalin gaar ah oo ay kagasii dhiiradaan sii wadida waxbarashadooda iyo laba jibaarka dadaalkooda waxbarasho taasi oo ah arin aan sahlaneyn oo mar waliba laheli Karin.

Hadaba Magaalada Baydhabo waxaa jirta xaflado ay dhiganayaan ardey sanadkan qalin jabinaya,kuwaasi oo xafladahoodu ay ugasii diyaar garoobayaan qalin jabintooda,Maalinba Maalinta kadambeysa waxaa xaflado ay kadhacayaan Iskuulaadka kala gedisan ee Kuyaala magaalada baydhabo,

Hadaba Maanta Waxay Ku aadaneyd Maalintii Farxadeed ee  Ardeyda,Maamulka Iyo Macalimiinta Iskuulka Caanka ah Ee BAIDOA MODEL SCHOOL.

Dugsiga waxbarashada Baidoa Model school ayaa Taariikh weyn kuleh Magaalada Baydhabo Wuxuu kamid yahay Goobihii ugu horeeyey ee waxbarasho oo laga hirgaliya Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.

Maanta Oo Isniin ah Taariikhduna ay tahay 23 04 2018 Ardeyda sanadkan dhameyneysey Schoolka Model waxay dhigteen Xaflad Farxadeed oo ay Ugu diyaar garoobayaan imtixaanada Mideysan ee dugsiyada sare ee ay qaadeyso dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafladu waxay ahayd mid hab maamuuskeedu sareeyey Oo ay waqi iyo juhdheer uu kamuuqdey inay soo galiyeen ardeyda Schoolka Model Iskuul.

Waxaa Xafladu kasoo qeyb galey Masuuliyiinta Ugu sareysey Maamulka Koonfur Gaalbeed Soomaaliya Iyo Maamulka Gobolka Baay, Waxaana Kamid Ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Hasan Husen Mohamed Hasan Eeley, Gudoomiyaha Gobolka Baay Ali Waredheere Abdirahman, Iyo Masuuliyiin Kasocotey Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Koonfur Galbeed,

Lebiska Ardey,Goobta Xaflada,Derbiyada Fasalada,Waxaa Ku Xardhanaa Ubaxyo iyo astaamo Kale Oo Muujinayey In Maantu ay ahayd Faraxada Maamulka Iskuulka Iyo Qalin jabinta Ardeyda  Dufcada 14 aad ee Model Iskuul Sanad Dugsiyeedka 2017/2018.

Ayadoona Xafladu ay Nuuriyeen Ardeyda Model Oo Kulabisnaa Uniform ka Iskuulka Oo madaxa Ugu Xirnaa Tabeebooyin ay kuqornaayeen BAIDOA MODEL SCHOOL oo ay kaga duwanaanyeen ardeyda kale.

Hadaba Xafladaasi sida heerka sare ah u agaasimaneyd Waxaa Kasoo Muuqdey Boorarka Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia hadaba Hormuud Maxay uqabatey ardeyda manta xaflada dhigtey.

Shirkada Hormuud telecom qeybteeda magaalada Baydhabo waxay sanad waliba ay dhiiragalisaa ardeyda ka qalin jabiya iskuulada baydhabo,Waxaa Xafladu kaqeyb galey Madaxa Marketing ka/Suuqgeynta shirkada Hormuud qeybteeda Baydhabo Cabaas Shariif Cumar.

Hormuud Telecom Baydhabo ayaa Qeyb weyn kaqaadatey Munaasabada ardeyda Model iskuul.

Iskastoo ay jireen waxyaabo badan oo xaflada lagusoo bandhigey oo ardey ay usacabtomeen,waxaa si gaar ah Nidaamka Xaflada,Faraxada Hawlwadeenada,Maamulka Iyo macalimiinta,Iyo wajiyada wajiyada Boqolaal Ardey  ah xaflada Joogeyba uu badalmey Kadib markii masraxa uu soo istaagey Cabaas Shariif cumar Oo halkaa kazoo istaagey waxyaabo badan oo farxad galiyey ardeyda oo kaga qeyb qaatey xafladaasi.

Sikastaba waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino badan oo shirkada hormuud ay gudoonsiisey ardeyda,waxaana abaalmarinadaasi kamid ahaa Simkaaro ay Kujiraan Saacado Kuhadal ah Oo Free Ah Iyo shahoodooyin Shirkada Hormuud ay ugu talagashey ardeyda Shahaadaasi oo Mustaqbalka ay ufududeyn doonto inay shaqooyin kuraadasadaan Sida Uu Munaasabada Kusheegey Madaxa Suuqgeynta Hormuu Baydhabo Cabaas shariif cumar.

10 Ardey Oo isugu jira kuwa qalin jabinay Iyo kuwo Maamulka iskuulka ay soo gudbiyeen oo Hormuud ay gudoonsiisey abaalmarinadaasi ayaa waxaa wajiyadoodu kamuuqdey Farxad gaar ah oo ay kaga duwanaayeen Boqolaalka kale ee ardey oo xafladaasi Joogey.

Fardowsa Sheikh ahmed Ugaarey Oo kamid ah ardeyda Fasalka 10 aad Oo Akhlaaq ahaan ay usoo xuleen Maamulka Iskuulka Oo Halkaasi Hormuud abaalmarino ay kugudoonsiisey ayaa waxay tiri

“Maanta waa maalin xaflad wwaa maalin inoo gaar ah,Gaar ahaan aniga shaqsiyadeyda waxaan nasiib uyeeshey in Hormuud ay ugudoonsiiso Abaalmarin ay kamid tahay shahaado sharaf ay igu dhiiragalineysey inaan sii wado dadaalka aan ku kasbadey in macalinnteydu ay isoo xushaan,anigoo wali sii marayo fasalka 10 aad”

“Waxaan Heystaa 5 Simkaar oo Xaflado kaladuwan Shirkada Hormuud ay igu gudoonsiisey,walibana anigoo kumuteystey weydiimo Su’aalo Ay Soo bandhigeen Maamulka Hormuud Oo ay Kamid ahaayeen adeegyada Quseeya Shirkada Hormuud”

“Hormuud Waxay Hormuud Utahay shiiragalinta ardeyda Anaguna waxaa waajib nagu ah inaan sii daldaalno,Mahadsanidiin Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom”

Cabaash Shariif Cumar Oo ah madaxa Shirkada Hormuud Qeybteeda Suuqgeynta ayaa sheegey In Shirkadu marwaliba ay utaagan tahay Kaqeybgalka dhiiragalinta iyo horumarinta waxbarashada ardeyda,ayna kaqeyb qaadan doonaan xaflad waliba oo ardeydu ay dhigtaan,Wuxuuna ardeyda Kale ee Xafladahoodu ay dhiman yihiin Ugu baaqeyn In sidan oo kale Loo dhiiragalin doono Hormuud na ay utaagan dhiiragalinta waxbarashadooda.

W/Q Abdinasir Musharraf Iyo Siid Cali Ateera

Leave a Reply