WARBIXIN+XOG: Maxaa ka soo baxay shirar gaar-gaar ah oo xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, dhexmarayna Farmaajo, Jawaari & Kheyre?

0
213

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo gaar ah oo xalay dhexmaray Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweynaha, Ra`iisulwasaaraha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka, kuwaas oo diiradda lagu saaray sidda ay muhiimka u tahay wada shaqeynta meeshana loga saari lahaa khilaafka hadda gaaray golaha baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u muuqday mid u dhaxeeya dhinacyada oo dhan ayaa si gaar-gaar ah u qaabilay labada kale ee Masuul oo u dhaxeeyo xifaaltanka ugu weyn, waxaana uu diiradda la saaray in lasoo afjaro xiisadahan siyaasadeed.

Warar hoose ayaa sheegaya in mudadii ay socdeen wada xaajoodyadan uu Gudoomiyaha baarlamaanku sheegay in weerarka lagu qaaday Hay’adda baarlamaanka ay ka dhigan tahay talaabo lagu doonayo in dalkan dib loogu celiyo dhibkii lasoo maray.

Mr, Jawaari wuxuu balan qaaday in sharciga lagu kala bixi doono, isla markaasna cid kasta oo diidan dawladnimada iyo Isla xisaabtamka ay marto wadiiqada guuldaradda, iyadoo ay taasi Madaxweynaha Soomaaliya ku ahayd fariin kale oo xasaasi ah.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliyaoo isna hadlay ayaa sheegay in uu ka hortagey duulaan lagu mijo-xaabin lahaa golihiisa Xukuumadda, wuxuuna cadeeyey in weerarkaas uga yimid dhinaca guddoonka baarlamaanka, laakiin ay sameeyeen waxa loo yaqaano Is difaac siyaasaded.

Labada dhinacba Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u soo jeediyey in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danta, dalka iyo dadka, Mooshin iyo xasarado siyaasadeed oo hadda gudaha loo galaana ay dhinacyada oo dhan dhaxalsiin doonto fariin aan wanaagsaneyn, taas oo cabsida ugu badan laga qabi karro in ay galaafto hay’addaha dawladda Faderaalka ee dalka.

Xog ay heshay Hubsiimonews.com ayaa sheegaysa in aysan jirin wax heshiis ah oo la gaaray, cabsina laga qabi karro in uu buuq hareeyo kalfadhiga baarlamaanka ee dhici doona Sabtida nagu soo beegan, kaas oo si gaar ah u dhexmaraya Xildhibaanada kala taabacsan Jawaari iyo Kheyre, waxaana suuragal ah in uu awood ahaan guuleystaan xildhibaanada diidan Mooshinka cusub.

Xukuumada iyo baarlamaanka Faderaalka oo kala qaabilsan soo saarid & Fulin ayey hadda udhaxaysaa is jiid-jiid siyaasadeed, waxaana suuragal ah in Xukuumadda daadka la qaadsiiyo, bacdamaa inta badan baarlamaanku ay yihiin kuwa leh masuuliyadda xilka qaadista golaha Xukuumada oo ay kala laaban karaan codka kalsoonida.

Leave a Reply