Warsaxaafadeed Wasarada Warfaafinta KGS Oo Eedeyn Usoo jeedisey Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

0
323

War Saxaafadeed Wasaarada warfaafinta koonfur galbeed soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ugaas hasan abdi Mohamed  Oo Maalmihii udambeeyey Hawlo shaqo Ujoogey magaalada Mogadisho ayaa Dib ugusoo laabtey magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay.

Wasiirka Ayaa Magaalada Mogadisho u aadey shir uu sheegey In Lagu marti qaadey Wasiirada wasaaradaha maamul goboleedyada dalka,Shirkaasi oo uu sheegey in loosoo direy agenda ah iun looga hadlayo Badqabka Saxafiga balse markii ay gaareen Mogadisho lasoo hordhigey wax kaduwan marti qaadkoodii.

Hadaba Wasiirka ayaa Markii uu dib ugusoo laabtey magaalada Baydhabo Waxaa uu lahadley warbaahinta isagoona kawarbixiyey waxyaabihii ay kalasoo kulmeen magaalada mogadisho.

Ugu Horeyntii waxaa uu sharxey sababihii ay u aadeen mogadisho taasi oo uu kusheegey In ay marti qaad ay kaheleen Wasaarada warfaafinta dowlada Federaalka soomaaliya oo lagu casuumey shir quseeya arimaha warfaafinta.

Ugu horeyntii wasiirka ayaa dhaliiley Halka shirka uu kadhacay oo aysan uqalmin goobta lagu qabtey,sidoo kale Wuxuu sheegey In lasoo kordhigey Agend Kaduwan Kuwii loogu wacay oo loosoo direy,Waxaana uu sheegey inay u arkeen In shirkaasi uu anfac ulahau wasaaradaha warfaafinta Maamul Goboleedyada Sidoo kale loogu talagaley in lagu maran habaabiyo Warbaahinta Soomaaliyeed.

Hadaba Wasiirka oo codkiisa Dhameystiran Xaga Hoose aad ka dhegeysan doontaan Ayaa waxaan soo koobeynaa Muhiimada uu hambaaarsanaa Warsaxaafadeedkiisa.

Wasiirka ayaa shirkii Badqabka wariyaha oo mogadisho lagu qabtey kutilmaaye inuu mid mid lagu marin habaabinaayey warbaahinta dalka,Taasina ay u arkaan mid afduub ah oo aysan kutashaneynin lalana soo wadaagin.

Wasiir Hasan ayaa Cambeereyn Ujeediyey Wasiirka Wasaarada warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Iyo Hay’ado Uu Kusheegey Inay Gacan kasiinaaayaa Afduubka Xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed Iyo Marin habaabinta Horumarinta Saxaafada Dalka,Taasi oo uu kutilmaamey Mid Hay’adaha iyo dadka hada gacanta kuhaya wasaaradu ay uga faaiideysanayaan Inay Dhacaan Xuquuqda Wariyaasha Maadaama Wasaarada Warfaafinta Hada ay tahay Wasiir La’aan,Wuxuu sheegey Inaysan ahayd wax u cuntamayo hadey yihiin wasiirada warfaafinada Maamulada Dalka Kajira.

Leave a Reply