Wasaaradda Cadaaladda KGS Oo Wada Qorshe Lagu Horumarinayo Adeegyada Garsoorka.

0
254

Wasiirka cadaaladda iyo garsoorka dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya Sheikh Xasan Ibraahim (Lugbuur) Oo safar shaqo ku jooga degmada Xudur ee magaalo madaxda gobalka bakool ayaa waxaa uu ka waramay u jeedka ay halkaasi u gaareen.

Wasiirka ayaa sheegay in safarkooda uu qeyb ka yahay safarada ay uga kuur galayaan garsoorka deegaanada koonfur galbeed soomaaliya, iyo sida ay u shaqeeyaan hey,adaha garsoorka.

Sheikh Xasan Ibraahim wasiirka cadaaladda koonfur galbeed ayaa sidoo kale sheegay muhiimadda ay u gaareen degmada xudur inay tahay furitaanka xarunta garsoorka ee degmadaasi oo imuddo ah aan shaqeyn iyo sidoo kale in isbadal lagu sameeyo shaqaalaha iyo maamulka garsoorka.

Wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka koonfur galbeed soomaaliya ayaa mudooyinkan waxay waday dadaalo dib loogu soo nooleynaayo xarumihii garsoorka ee deegaanada koonfur galbeed soomaaliya.

Leave a Reply