Wasaaradda Dhalinyarada Koonfur Galbeed Oo 6da April Ku Xustay Magaalada Baydhabo.

0
267

Wasaarada Dhalinyarada Konfur Galbed Oo Kaashaneysa Xiriirka Kubada Cagta Degmada Baydhabo Ayaa Waxay Qabteen Kulamo Ciyaareed Lagu Xusayo 6 April Oo Ku Asteysan Maalinta Caalamiga ah ee Cayaraha Iyo Horumarinta Nabada.

Garoonka Kubada Cagta Degmada Baydhabo Ayaa Waxaa Lagu Qabtey Sports Qeybo Kaladuwan Leh Waxaana Kamid ahaa Kubada Cagta Iyo Xariq Jiidka.

Labada Kooxood Horseed Vs BBG Oo Kamid ah Kooxaha Kubada Cagta baydhabo Ayaa Loo Dhigey Koob Lagu Xusayey Maalinkani,Waxaana Cayaartan Usoo Daawasho tagey Taageerayaal Labada dhinac Ah Sidoo kale Na Gudiga Xiriirka Kubada Cagta Baydhabo Ayaa Iyo Xunbo Kasocdey Wasaarada Ayaa Goobjoog Ahaa,

labada Koxoood Ayaa waxay soo Bandhigeen Cayaar Aaad Uwanaagsan Oo Umuuqatey Mid Labada Kooxoodba Ay Isku Awood Yihiin Waxaana Cayaartii dhexmartey ay Ku idlaatey 1-1 Waxana Lagu Kala Baxey Gool Ku Laad Ama Rigoore,Kooxda BBG Ayaana Ugu Dambeyntii Kuguuleysatey Koobkani Waxaana Lagu gudoonsiiyey Abaalmarinadii Loogu Talagaley Oo Uu kamid ahaa Koobka Waxaana halkaasi Abaalmarinada kubixiyey Gudoomiyaha Xiriirka Kubada cagta Baydhabo Ahmed dollar,

Sidoo Kale Kooxda 2aad ayaa Lagudoonsiiyey Abaalmarino ay Kamid yihiin Maaliyado Iyo Lacag.

Dhinaca Kale waxaa Halkaasi Abaalmarin Lagu gudoonsiiyey Dhalinayaro ayagu Kutartamay Cayaarta Loo Yaqaano Xariq Jiidka Abaalmarintaasi Oo ay Bixiyeen Xiriirka Kubada Cagta degmada Baydhabo.

Leave a Reply