Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Oo Xili habeen ah Kormeerey Xaruumaha Laamaha Amniga.

0
356

Wasiirka Amniga Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xusen maxamed ayaa Ayaa Xili Habeen ah Socdaal Ku maray Gudaha magalada baydhaba  xarunta ku mel garka mamulka konfur galbed, Socdaalka Wasiirka Amniga ayaa ahaa Mid uu ugu kuurgalayey  amniga guud ee magalada baydhaba.

Wasiirka Oo Socdaalkiisa Habeenimo ay Kuwehlinayeen Laamaha amniga Baydhao iyo saraakiisha Ciidanka Ayaa Booqdey Qeybo Kamid ah Saldhigyada Booliiska Baydhabo Iyo Rugaha booliisku ay kuleeyihiin xaafada Magaalada Baydhabo.

Sidoo Kale Wasiir Hasan Eelay Oo Habeenkii Xaley Socdaalkiisa laga dareemey Guud ahaan Baydhabo ayaa Wuxuu Kormeer kutagey Baraha Kontoroolada ah ee lagasoo galo Magaalada Baydhabo Xili ay shaqo amni ay socotey oo ciidankuna ay heegan ahaayeen.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa Umahad naqey guud ahaan shacabka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed  somaliya oo kaqeyb qaadanaya Sugida amniga Guud ahaan, sido kale waxa uu umahad celiyey cidamada geesiyaasha ah oo u hurey naftooda shacabka oo ay usoo jeedaan habeen i maalinba,

Ugu dambeyntii Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Oo soo gabagabeynayey socdaalkiisa Habeenimo ee ugu kuurgalayey Amniga Baydhabo ayaa sido kale waxaa uu baaq u direy Guud ahaan shacabka koonfur galbeed oo ugu baaqey inay lashaqeeyaan ciidamada, halka ganacsatada Ku nool dalka iyo dibadaba ugu baaqey in ay maalgashi kusameystaan dalkoda gaar ahan deegaanada koonfur galbed somaliya.

Ma ahan Socdaalkii ugu horeeyey ee  Uu Wasiirku Baydhabo Ku socdaalo Xili Habeen ah,waxaa tani dhiiro galin ay unoqoneysaa ciidamada Koonfur Galbeed Military iyo booliis oo habeen i maalinba usoo jeeda Sugida Amniga Deegaanka iyo Amniga shacabkuba.

Leave a Reply