Wasiirka Gaashaandhiga oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

0
734

Wasiirka cusub ee wasaarada Gaashaandhiga xumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Mohamed (Amardambe) oo shalay la wareegay xilka Wasaarada ayaa sbeegay in wasaaradiisa ay xooga saari doonto sugida amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshe yaal badan uu kaga dagan yahay sidii loo sugi lahaa amniga guud ahaan dalka.

Waxaa sidoo kale Xasan  Cali (Amardambe) uu sheegay in qorshe yaasha ay wadaan ay ka mid tahay dagaal lala galo kooxda Al-shabaab oo uu sheegay in ay qatar ku yihiin xasiloonida Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga soomaaliya oo qof dhalinyaro ah ayaa wacad ku marey inuu xoogga saari doono dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo dhameystirka qalabkooda, si looga adkaado kooxda al shabaab.

Leave a Reply