Wasiirka Gadiidka Koonfur Galbeed Oo Baraawe Gaarey

0
165

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta Safar shaqo ku tagay Magaalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safarka  wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku wehlinayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Federaalka Soomaaliyeed mudane Mohamed Cabdullahi Salaad Oomaar, Amb-ka Soomaaliya ee midowga yurub Ali Fiqi iyo sidoo kale gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre.

U jeedka safarka masuuliyiintan ay u gaareen magaalada Baraawe ayaa ah uu kuur gelidda iyo dadejinta howlaha dhismo ee garoonka diyaaradaha Baraawe kaaso dhismihiisu maraya meel wanaagsan.

Waa safarkii ugu horeeyay wasiirka gadiidka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eelay uu ku tago magaalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed tan iyo intii loo magaacabay xilkan wasaaradda gaadiidka ah.

Leave a Reply