Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyey geerida Wariye Cawil Daahir Salaad

0
128

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Wasiir Geelle, ayaa naxariista  Janno Alle ugu baryay Wariye, Cawil iyo dadkii kale ee ku naf waayay weerarradii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Marxuum, Cawil Daahir Salaad, ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay warbaahinno kala duwan , isagoo hadda ka mid ahaa howl wadeennada Taleefishinka Universal.

Leave a Reply