Xasan Sheikh Maxamuud Oo soo Gaarey Garowe

0
82

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  daqiiqado ka hor gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland si ay uga qeyb galaan Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland mudane Saciid C/llaahi Deni.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah guddoomiye ku xigeenka arimaha Maamul goboleedyada UPD mudane Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, Xog-hayaha guud ee Xisbiga mudane Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, Xildhibaano labada aqal ee Baarlamaanka ka tirsan iyo mas’uuliyiin kale.

Garoonka waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Saciid Dani iyo ku xigeenkiis iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulkaasi, iyadoona lagu wado in maalinta beri ay si rasmi ah u dhacdo caleema saarka madaxweyne Dani.

Leave a Reply