Xildhibaan Ganey Oo Ka Hadlay Mooshinkii Laga Laabtay

0
65

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris Ganey oo kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka hadlay qoraalka fiidkii hore ee xalay uu soo saaray Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa ku dhawaaqay in uu buray islamarkaana laga laabtay Mooshinkii kadhanka ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, mooshinkan ayaa  92, xildhibaan oo kamid ah golaha shacabku waxa ay geeyeen xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka  9-December-2018.

Xildhibaan ganey ayaa sheegay iney xalka danta ka arkeen Xildhibaanada uu ku jiro ee Mooshinkaas isaga laabtay, Isagoo tilmaamay in wixii haatan ka danbeeya ay dib u bilaabanayaan Shaqooyinkii Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Xasan idiris Ganey ayaa meesha ka saaray wararka la xiriiro inuu jiro heshiisyo hoose, Is afgarad iyo in xilal loo balanqaaday qaar kamid ah xubnihii mooshinka hor boodayay.

Xukuumada Ra’iisul Wasaare Khayre, ayuu sheegay ineysan maaro u heyn 92 Xildhibaan oo Mooshinka gudbisay markii hore.

Hadalka xiuldhibaanka ayaa ku soo aadaya xili xalay fiidkii hore warqad uu soo saaray gudoonka golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ku sheegay inuu burey mooshiinkii dhowaan laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

Leave a Reply