Xildhibaanada Aqalka Sare oo codsay in loo yeero 4 Wasiir

0
198

Ka dib markii Maanta ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxa ay kaga hadleen qodobo ay ka mid aheyd dhibaatada ka taagan degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Kenya ay dhibaato weyn ku heysto Shacabka kunool degmada Baled xaawo, islamarkaana xukuumadda Soomaaliya aysan waxba ka qaban.

Senetaradda Aqalka Sare ayaa  codsaday in  si deg deg ah loogu yeero Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya sidda Wasiiradda , Arrimaha Gudaha, Amniga, Difaaca iyo Arrimaha dibadda.

Waxa ay sidoo kale codsadeen in wax laga weydiiyo maamulka Jubbaland iyo guddiga Xuduudaha dhibaatada ay Kenyo ku heyso Shacabka ku sugan degmada Baled xaawo ee gobolka Gedo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda degmada Baledxaawo waxa ay cabasho ka muujiyeen dowladda Kenya oo ay sheegeen in ay dhul balaarsi ka waddo  degmada Baledxaawo.

Leave a Reply