Xukuumadda cusub ee Itoobiya oo qaadaysa xukunkii deg-degga ahaa.

0
213

Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa isku raacay in la qaado xukunkii deg-degga ahaa ee horay loo saaray, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee Dalkaasi.

Go’aankan kasoo baxay Golaha wasiirrada Dalka Itoobiya ayaa loo gudbin doonaa Baarlamanka Dalkaasi si isna uu u meel mariyo.

Xisbiga Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF), iyo isbahaysiyadooda ayaa haya dhammaan Kuraasta Baarlamanka Dalkaasi oo ka kooban 547, waxaana lagu wadaa inuu hindisani meel mar noqdo.

Dalka Itoobiya ayaa 16-kii February ee Sanadkan lagu soo rogay Lix Bilood oo xaalad deg-deg ah, markii ay halkaasi ka dhaceen dibad baxyo rabshada wata, taasoo sababtay inuu xilka ka dego Ra’iisul waraarihii hore Hailemariam Desalegn Boshe.

Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa tallaabadan loogu qaadayo xaaladdii deg-degga ahayd ee saarnayd Dalkaasi ku macneeyay inuu soo laabtay sharcigii iyo kala dambayntii Dalka.

Leave a Reply