Yemen: Daacish Oo Sheegatay Qarax Lala Beegsaday Ciidamada Imaaraatga Taageero.

0
138

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 qofna waa ay ku dhaawacmeen qarax salaasadii shalay ka dhacay magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari bambaano lasoo saaray ayaa lagu weeraray xarun cuntada loogu diyaariyo ciidamada ay taageerto dowlada Imaaraatiga oo xaruntoodu tahay magaalada Cadan.

Kooxda Daacish ayaa shalay gelinkii danbe warbaahintooda ku baahiyey inay iyagu ka danbeeyeen weerarkan, kooxdaasi ayaa horey weeraro kala gedisan la beegsatay xarumaha dowlada iyo maleeshiyaadka gacanta ku haya magaalada Cadan oo hada fariisin Kumeel gaar ah u ah dowlada Yemen ee Cabdirab Mansuur Hadi.

Dowlada Imaaraatiga ayaa kamid ah xulafada Sacuudiga ee sheegay inay gacanta siinayaan dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Yemen, walow Imaaraatiga mudooyinkii danbe uu taageerayey maleeshiyaadka xaruntoodu tahay magaalada Cadan ee doonaya inay gooni u goostaan koonfurta Yemen.

Leave a Reply