Yemen oo gantaal ku ridey dalka Sucuudiga

0
271

Sanca(HSM)-Sucuudiga ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuurey dalka Yemen. Gantaalka ayaa lagu soo ridey magalada Riyaad, waxaana uu ku dhacay guri kadib markii gantaal kale soo ridey. Hal qof oo u dhashey dalka Masar aya ku geeriyoodey, waxaana ku dhaawacmey laba qof oo kale.

Dadka ku dhaw deegaanka gantaalka lagu soo ridey ayaa sheegay in ay arkeen iftiin aad u weyn iyo qarax dhanka cirka ka dhacay, ka hor saqdii dhexe ee habeenkii xalay.

Weerarkan ayaa dhacaya saddex sano guuradii ka soo waregtey markii xulafada Sucuudigu ay weerarka ku qaadeen dalka Yemen.

Sida ay shegeen Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo, Xuutiyiinta Yemen waxay ku oo rideen Riyaad saddex gantaal iyo afar gantaal oo kale oo ay ku rideen magaalooyinka kale. Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ayaa ku eedeeyey dalka Iran in ay Xuutiyiinta siiyeen gantaalada ridada dheer.

Qiyaastii dad ka badan 10 000 oo qof ayey galaafteen dagaalada Sucuudigu hoggaaminaayo ee ka qarxay dalka Yemen. Sida ay sheegtey Qaramada Midoobey dad ka badan 8.4 Milyan oo qof ayaa macaluul qarka u saaran Yemen, waxaana ay ku tilmaameen xaaladda bini’aadanimo ee soo marta dunida tii ugu darneyd in ay ka jirro Yemen.

Leave a Reply